Waters of Life

Biblical Studies in Multiple Languages

Search in "Somali":
Home -- Somali -- Matthew - 263 (Witnesses for the Death of Christ)
This page in: -- Arabic -- Armenian -- Azeri -- Bulgarian -- Chinese -- English -- French -- Georgian -- Hausa -- Hebrew -- Hungarian? -- Igbo -- Indonesian -- Javanese -- Latin? -- Peul? -- Polish -- Russian -- SOMALI -- Spanish? -- Telugu -- Uzbek -- Yiddish -- Yoruba

Previous Lesson -- Next Lesson

MATAYOS - Toobad keena, waayo, boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay!
Daraasadaha Injiilka Masiixa sida ku xusan Matayos
QAYBTA 5 - DHIBAATOOYINKA MASIIXA IYO GEERIDA (Matayos 26:1-27:66)

29. Markhaatiyaasha dhimashada Masiixa (Matayos 27:54-56)


MATAYOS 27:54-56
54 Haddaba boqol-u-taliyihii iyo kuwii isaga la jiray oo Ciise dhawrayay markay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen iyagoo leh, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilka Ilaah. 55 Dumar badan oo Galili ka soo raacay oo u adeegayay, ayaa meeshaas meel fog ka eegayay. 56 oo waxaa ku dhex jiray Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
(Luukos 8: 2-3)

Boqol-u-taliyihii Roomaanku wuxuu ogaa in Ciise iskutallaabta loogu qodbay cayda, khiyaanada dadka badan, iyo isagoo sheeganaya inuu yahay Boqorka Yuhuudda iyo Wiilka Ilaah. Laakiin muxuu la kulmay boqol-u-jirkan saacadihii uu ku qaatay iskutallaabta agteeda? Ma uusan daawan dhimashada dambiile, laakiin qof weyn. Wuxuu maqlay isagoo laba jeer ugu yeedhaya Ilaah baryadiisa daacadda ah. Ma uu habaarin cadawgiisii iyo kuwii iskutallaabta ku qodbay, mana u cadhoon kuwii ku jeesjeesay. Sidaa darteed boqol-u-taliyihii ayaa ugu dambayntii qayliyey oo yidhi, Runtii kanu wuxuu ahaa Wiilka Ilaah. Gaaladani waxay ahayd kuwii ugu horreeyay ee ka bartay waaya-aragnimada iskutallaabta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah ee gaarka ah, wuxuuna si cad u qirtay rumaysadkiisa.

Garashadaas waxaa ka dhawaajiyey askartii u saami ritay maradii Ciise. Bilowgii, waxaa saameeyay qorrax madoobaad iyo dhulgariirkii xoogga badnaa. Haddaba waxay aad ula yaabeen shakhsinimadii Bixiyihii dhintay, oo waxay ku celceliyeen qirashada taliyahooda, Runtii kanu wuxuu ahaa Wiilka Ilaah.

Roomaanku ma ahayn markhaatiyaasha keliya ee arkay ereyadii Ciise ee u dambeeyay. Waxa kale oo jiray dumar u yimi kan iskutallaabta lagu qodbay si xushmad iyo murugo leh. Way raaceen ilaa Galili oo dhan, oo waxay ugu adeegi jireen waxyaalahooda, oo cunto bay u diyaariyeen, oo dharka maydhi jireen, oo ay isaga iyo xooggiisa ilaahnimada ugu soo dhowaanayeen quduusnaan iyo daahir.

Dumarkii waxaa ku adkaatay inay aqbalaan in kii ka adkaaday cudurro iyo jinniyo uu iskutallaabta dusheeda ka soo laadlaadiyay isagoo meyd ah. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah haweenka ayaa ahaa markhaati makhraati ah dhammaan dhacdooyinka iskutallaabta ka dhacay. Aqoontayada Masiixa ee toddobada odhaah ee iskutallaabta, iyo sidoo kale erayadii ay ku hadleen wadaaddada sare, labada tuug, iyo askartu, waxay ku salaysan yihiin markhaatifurka haweenka. Haweenkani waxay markhaati u ahaayeen dhimashadii Masiixa. Afar ka mid ah ayaa inta badan loo yaqaan magaca. Marqaatigoodii, waxaa caddaatay in dumarku ay sidoo kale door muhiim ah ku leeyihiin boqortooyada jannada. Iyaga la'aantood ma ogaan lahayn tafaasiishan ku saabsan geerida Boqorka Boqorrada.

SALAAD: Waannu kugu mahad naqaynaa Rabbi Ciise Masiix, maxaa yeelay, waxaad qalbiga u furtay boqol-u-taliyihii si uu u garto oo rumaystay Ilaahnimadaada oo uu u qirto sida quruumaha ugu horreeya, inaad tahay Wiilka Ilaah. Waxaan kuugu mahad naqaynaa dumarkii sharafta lahaa ee kaa soo raacay Galili, oo kuu adeegay, oo u soo dhowaaday iskutallaabtaada si aan u ogaano tafaasiisha saacadaha ugu dambeeya ee joogitaankaaga korka iskutallaabta xun iyo ceebta leh. Waxay kaloo ka marag fureen erayadaada jacaylka, rumaysadka, iyo rajada aad ka qabto dhimashada. Waannu kugu faraxsanahay oo waannu kugu ammaanaynaa inaad dumarkaas u dhiibtay markhaatifurkii badbaadadaada oo noo dhammaaday.

SU'AAL:

  1. Maxay ahayd doorka haweenku ku lahaayeen iskutallaabta Masiixa?

www.Waters-of-Life.net

Page last modified on March 12, 2022, at 04:11 PM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)