Waters of Life

Biblical Studies in Multiple Languages

Search in "Somali":
Home -- Somali -- True Light - 15. Quiz
This page in: Cebuano -- English -- French -- German? -- Hausa -- Igbo -- Indonesian -- SOMALI -- Telugu -- Yoruba

Previous Lesson

Mugdigii waa libdhay iyo Iftiinka runta ah waa ifaya
Buug Muhiim kuu ah

15. Kedis


Akhristaha Qaaliga ah, haddii aad si taxaddar leh u akhriday bogagga buuggan, waxaad awood u yeelan doontaa inaad si fudud uga jawaabto su'aalaha soo socda, maadaama su'aal kasta ay soo koobayso hal cutub. Isku day inaad qorto jawaabahaaga adoo dib u eegis ku sameynaya cutub kasta waxaadna uheli doontaa naftaada duco badan. Haddii aad su'aalaha uga jawaabto si sax ah, waxaan kuu soo diri doonaa buugyaraha ka soo baxa daabacadahayaga. Haddii aad su'aalo ka qabtid mowduuc kasta oo ku yaal buug-yarahan, fadlan ku qor warqad gooni ah oo u soo dir jawaabahaaga su'aalahaan kediska ah.

01. Maxay gabadhii ku jirtay wadankii shuuciga ahaa ay ugu xirnayd ilaah?
02. Muxuu Shiikhu xaqiiqsaday ka dib waqtigiisii soonka iyo cibaadaysiga?
03. Dhalashada Masiixu maxay ka dhigan tahay?
04. Waa maxay aayadaha cusub ee Masiixu keenay?
05. Waa maxay shaqada ugu weyn ee uu qabtay Ciise Masiix?
06. Sidee bay sarakiciddii Ciise ka soo sarakicisay kuwii dhintay u saamaysay xertiisa?
07. Maxaad ka baraneysaa la kulanka Bawlos ee Rabbiga nool isagoo ku sii jeedda Dimishiq?
08. Ma ogtahay sida Ruuxa Quduuska ahi kuugu dhex noolaan karo?
09. Sidee ku hubsan kartaa badbaadada naftaada?
10. Sideen ugu noqonaa iftiinka adduunka?
11. Muxuu jacaylka Eebbe inaga doonayaa oo sabab noo ah?
12. Sideed ugu adeegsan kartaa casharka saamaxa noloshaada?
13. Maxaa ku jira dhammaan hubka Ilaah?
14. Maxaa dhici doona maalmaha ugu dambeeya? Sideed isugu diyaarisaa soo laabashada Masiixa?

PFadlan jawaabaha ku dar magacaaga iyo cinwaankaaga si waadix ah, si aan kuu soo dirno buug-yaraha soo socda. Cinwaankeenu waa:

WATERS OF LIFE
P.O.Box 60 05 13
70305 Stuttgart
GERMANY
Internet: www.waters-of-life.net
E-Mail: info@waters-of-life.net

www.Waters-of-Life.net

Page last modified on October 18, 2021, at 06:19 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)