Waters of Life

Biblical Studies in Multiple Languages

Search in "Somali":
Home -- Somali -- Matthew - 254 (The Choosing of an Insurgent)
This page in: -- Arabic -- Armenian -- Azeri -- Bulgarian -- Chinese -- English -- French -- Georgian -- Hausa -- Hebrew -- Hungarian? -- Igbo -- Indonesian -- Javanese -- Latin? -- Peul? -- Polish -- Russian -- SOMALI -- Spanish? -- Telugu -- Uzbek -- Yiddish -- Yoruba

Previous Lesson -- Next Lesson

MATAYOS - Toobad keena, waayo, boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay!
Daraasadaha Injiilka Masiixa sida ku xusan Matayos
QAYBTA 5 - DHIBAATOOYINKA MASIIXA IYO GEERIDA (Matayos 26:1-27:66)

21. Doorashadii fallaagada (Matayos 27:15-23)


MATAYOS 27:15-20
15 Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuus ay doonayaan. 16 Oo wakhtigaas waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo Baraabbas la odhan jiray. 17 Haddaba intay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku yaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas mise Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? 18 Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen. 19 Oo intuu kursigii xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii u soo cid dirtay oo ku tidhi, Ha dhex gelin ninkaas xaqa ah, waayo, isaga aawadiis ayaan maanta waxyaalo badan ku riyoonayay. 20 Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan oo Ciise la dilo.
(Yooxanaa 12:19)

Baraabbas wuxuu ahaa fallaago, dambiile, iyo cadawgii Rooma. Bilaatos wuxuu odayaashii siiyey door khatar ah oo isaga ku saabsan. Haddii ay weyddiistaan in Baraabbas la sii daayo, waxay la safan lahaayeen cadawga Rooma. Sidaa darteed Bilaatos wuxuu isku dayay inuu waayeelladii dabinka u soo jiido, isagoo bixinaya inuu sii daayo Ciise ama Baraabbas midkood, waayo, wuxuu ogaa inuu Ciise nabad jecel yahay oo aanu ahayn fallaago.

Uma badna in naagtii guddoomiyaha ay wax badan ka maqashay Ciise, ugu yaraan si aanay isaga ugu riyoon. Haddaba waxaa muuqata inay riyadeedu xagga Eebbe ka timid. Malaha waxay ahayd mid ka mid ah haweenka cibaadada iyo sharafta leh ee xoogaa dareen diineed leh. Si kastaba ha ahaatee, Ilaah riyooyin buu isugu muujiyey qaar aan diin lahayn, sida Nebukadnesar.

Bilaatos naagtiisii waxay u xanuunsatay riyadan aawadeed. Hadday ku saabsan tahay sida naxariis darrada ah ee qof aan waxba galabsan loola dhaqmo ama xukun ku dhici doona kuwii ka dambeeyay dhimashadiisa, waxay ahayd riyo cabsi badan, fikirradeeduna way dhibeen.

Markhaatifurka taliyihii naagtiisii waxay ammaan u ahayd Rabbigeenna Ciise. Waxay u tilmaantay inuu yahay "nin caadil ah," xitaa markii isaga la silciyey sidii dembiilayaasha ugu xun. Markii xataa saaxiibbadiis ay ka cabsadeen inay u muuqdaan inay is difaacayaan, Ilaah wuxuu ka dhigay kuwa shisheeye iyo cadowgooda inay ku hadlaan raallinimadiisa. In kastoo Butros uu dafiray, Yuudas waa aqoonsaday isaga. Markii wadaaddadii sare ay ku qirteen inuu dil ku xukumay, Bilaatos wuxuu caddeeyay inuusan eed ku helin. Intay naagihii Ciise raacday meel fog ka taagnaayeen, Bilaatos naagtiisii, oo aan isaga wax yar ka garanayn, ayaa aad uga welwelaysa isaga.

Eebbana iskama dayn doono marag-la'aantii xaqa, xataa markay u muuqato inay cadawgeedu u duminayaan oo ay saaxiibbadiis ceebaysan yihiin. Gudoomiyuhu wuxuu rumaystay rooxaanta, wuuna aaminay. Isagu ma uu aqoon Ilaaha runta ah, laakiin wuxuu ka cabsan jiray ilaahyo, rooxaan iyo ruuxyo badan. Haddana naagtiisu waxay maqashay shuqullada naxariista leh ee Ciise oo way ku wareertay xidhitaankiisa. Illahay waxa u kordhiyey wal-walkeeda heer ay is tidhi ninkeedu waxa uu ku dhow yahay in uu galo khaladkii ugu xumaa ee noloshiisa. Kamay xishoon inay u soo dirto rasuul si aad ugu digo kana badbaadisa xukunka qofka xad gudba idamkii Ilaahay.

SALAAD: Rabbiyow jannadayow, madaxyadayada ayaannu ku foorornay jacaylkaaga aan la qiyaasi karin, waayo, waxaad bixisay Wiilkaaga keliya oo dhashay inuu inoo dhinto oo nala heshiiyo. Waxaad la xanuunsatay Wiilkaaga daqiiqad kasta oo dhibtiisa. Ma aadan baabbi'in cadaawayaashiisa, laakiin iyaga jeclaaday oo ku hanuuniyey Wiilkaaga si uu u dhamaystiro jidka iskutallaabta. Waxaad tan u samaysay inaad dembilayaasha oo dhan kafaaraggud oo xaq uga dhigto inay toobad keenaan oo ay kugu rumaystaan xoogga Ruuxa Quduuska ah.

SU'AAL:

  1. Muxuu Bilaatos u bixiyey Yuhuudda Baraabbas iyo Ciiseba in mid la doorto mid kalena la sii daayo?

www.Waters-of-Life.net

Page last modified on March 12, 2022, at 03:46 PM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)