Home
Links
Bible Versions
Contact
About us
Impressum
Site Map


WoL AUDIO
WoL CHILDREN


Bible Treasures
Doctrines of Bible
Key Bible Verses


Afrikaans
አማርኛ
عربي
Azərbaycanca
Bahasa Indones.
Basa Jawa
Basa Sunda
Baoulé
বাংলা
Български
Cebuano
Dagbani
Dan
Dioula
Deutsch
Ελληνικά
English
Ewe
Español
فارسی
Français
Gjuha shqipe
հայերեն
한국어
Hausa/هَوُسَا
עברית
हिन्दी
Igbo
ქართული
Kirundi
Kiswahili
Кыргызча
Lingála
മലയാളം
Mëranaw
မြန်မာဘာသာ
नेपाली
日本語
O‘zbek
Peul
Polski
Português
Русский
Srpski/Српски
Soomaaliga
தமிழ்
తెలుగు
ไทย
Tiếng Việt
Türkçe
Twi
Українська
اردو
Uyghur/ئۇيغۇرچه
Wolof
ייִדיש
Yorùbá
中文


ગુજરાતી
Latina
Magyar
Norsk

Home -- Somali -- Matthew - 250 (Jesus Delivered to the Governor)
This page in: -- Arabic -- Armenian -- Azeri -- Bulgarian -- Chinese -- English -- French -- Georgian -- Hausa -- Hebrew -- Hungarian? -- Igbo -- Indonesian -- Javanese -- Latin? -- Peul? -- Polish -- Russian -- SOMALI -- Spanish? -- Telugu -- Uzbek -- Yiddish -- Yoruba

Previous Lesson -- Next Lesson

MATAYOS - Toobad keena, waayo, boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay!
Daraasadaha Injiilka Masiixa sida ku xusan Matayos
QAYBTA 5 - DHIBAATOOYINKA MASIIXA IYO GEERIDA (Matayos 26:1-27:66)

17. Ciise baa loo dhiibay taliyaha (Matayos 27:1-2)


MATAYOS 27:1-2
1 Markii subaxdii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhammu waxay ku tashadeen inay Ciise dilaan. 2 Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

Butros wuu dafiray Rabbigiis, xertii kalena way kala firdheen oo jabeen. Shaqada Ciise waxay u ekayd inay guuldarraysatay.

Habeen dambe, guddiga baadhigu wuxuu u sheegay hoggaamiyeyaashii Yuhuudda ee aan ka qaybgelin dhegaysigii ugu horreeyay ee Masiixa wixii dhacay. Wadaaddadaas, culimmada, sharci-yaqaannada, waayeellada, iyo hoggaamiyayaashaas waxay u degdegeen inay Masiixa arkaan oo ay dil ku xukumaan. Roomaaniyiintu waxay ka hor istaageen inay fuliyaan ciqaabta dilka, sidaa darteed waxay go'aansadeen inay "Boqorka" u dhiibaan gacmaha quruumaha la quudhsado. Waxay rabeen inay isaga ku ceebeeyaan dadka hortiisa. Maxaa yeelay isagu iskama badbaadin karin awoodda Roomaanka, waxay ku sababeeyeen inuusan isagu ahayn Masiixa la filayo kaasoo keeni doona boqortooyada Ilaah oo ka guulaysan doona xumaan kasta.

SALAAD: Rabbi Ciise Masiix, cadawgu way ku habaareen, madaxduna waxay kugu dharbaaxeen mugdiga habeenkaas, waxayna kuu keeneen Maxkamadda Sare. Waad iska aamustay, oo u ducaysay kuwa ku neceb, waadna barakaysay, oo ka hortimid dhammaan wakiilada dadkaaga. Kuuma ay caabudin, laakiin waxay kugu xukuntay dil, waxayna kuu dhiibeen maamulkii Roomaanka si ay iskutallaabta kuugu qodbaan. Rabbiyow, waanu kuugu mahadnaqaynaa dulqaadkaaga, samirkaaga, naxariistaada, iyo dhawrsanaantaada. Adigu waxaad isu diyaarisay inaad dhimato si aad noogu beddesho. Waxaad u xambaartay dembiyadayadii, oo waxaad u jirdishay ciqaabtayada, oo waxaad na jeclayd tan iyo dhammaadka. Had iyo jeer waxaan kuugu mahadnaqaynaa jacaylkaaga qumman.

SU'AAL:

  1. Waa maxay faraqa u dhexeeya shirka hoggaamiyayaasha Yuhuudda ee fiidkii iyo kan kale ee subaxdii?

www.Waters-of-Life.net

Page last modified on March 12, 2022, at 03:47 PM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)