Waters of LifeBiblical Studies in Multiple Languages |
|
Home Bible Treasures Afrikaans |
This page in: -- Arabic -- Armenian -- Azeri -- Bulgarian -- Chinese -- English -- French -- Georgian -- Hausa -- Hebrew -- Hungarian? -- Igbo -- Indonesian -- Javanese -- Latin? -- Peul? -- Polish -- Russian -- SOMALI -- Spanish? -- Telugu -- Uzbek -- Yiddish -- Yoruba
Previous Lesson -- Next Lesson MATAYOS - Toobad keena, waayo, boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay!
Daraasadaha Injiilka Masiixa sida ku xusan Matayos
QAYBTA 5 - DHIBAATOOYINKA MASIIXA IYO GEERIDA (Matayos 26:1-27:66)
15. Ciise wuxuu wajahay Sanhedrin (Matayos 26:57-68)MATAYOS 26:65-68 Ka dib markuu Ciise sheegay ilaahnimadiisa oo uu ugu yeedhay madaxdii dadkiisa inay towbad keenaan, rumaystaan, oo caabudaan, waxay ku qaraxday cadho. Iyaga oo cadhooday ayay ku xukumeen in la dilo waxa ay ugu yeedheen cayda, iyaga oo aad u quudhsaday. Sida sharcigoodu qabo, Yuhuudda waxaa looga baahnaa inay si degdeg ah ugu dhuftaan qofka caytamaya, taas oo calaamad u ah inaanay ka qayb qaadan khaladkiisa, laakiin ay diideen. Qaar iyaga ka mid ah way ku majaajiloodeen, oo waxay ugu yeedheen "Nabi" oo waxay weyddiisteen inuu wax sii sheego iyaga oo aan rumaysnayn isaga. Miyaad ka fiican tahay wakiillada qaranka Yuhuudda ee Sanhedrinka? Ma waxaad qiratay in ninka Ciise yahay Masiixa Badbaadiyaha ah, oo ah Wiilka Ilaaha nool? Mise Ilaahnimadiisa iyo madaxfurashadiisa ayaad diidaysaa? Iska jir! Jawaabtaadu waxay go'aaminaysaa aayahaaga aakhiro. SALAAD: Waannu kugu mahad naqaynaa Rabbi Ciise Masiix, maxaa yeelay, waxaad wakhti dheer ku aamustay Sanhedrinka hortiisa, ka dibna waxaad iyaga ugu cadaysay ammaantaada oo dhan hal jumlad. Waannu ku caabudaynaa, waannu rumaysan nahay, oo waannu qiranaynaa inaad tahay Wiilka Ilaaha nool oo ah Rabbigeenna iyo Badbaadiyeheenna. Waxaad ku fadhidaa midigta Aabbaha, oo waxaad ku imanaysaa daruuraha jannada si aad u xukuntid kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Awood oo dhan waxaa lagugu siiyay samada iyo dhulkaba. Qalbiyadeenna ka buuxi addeecidda rumaysadka si aannu u sheegno saaxiibbadayada iyo deriskayada magacaaga iyo in boqortooyadaadu u timaado ammaanta Ilaaha Aabbaha ah. SU'AAL:
|